Caz posted an update 7 years, 8 months ago
sbiga shaqaalaha Ap oo kamid ahaa xisbiyadii taageersanaa mooshinkii awood ka qaadista hey´ada laanta socdaalkam kaas oo lagu balansanaa in baarlamaanka la horkeeno 14-ka bishan Maarso, ayaa dalbaday waqti dheeri ah oo ay uga soo fakaraan taageeradaas ay siiyaan mooshinkaas. Waxeyna taas timid kadib markii ay warqad codsi qoraal ah, ay soo dirtay wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada ee Sylvi Listhaug.
Mariam Abdi Hussein oo kamid ah musharaxiinta baarlamaanka xisbiga SV sanadkan uga tar-tamaya magaalada Oslo, ayaa iyada oo arintaas ka hadleyso sheegtay inay muhiim tahay in soomaalidu ay arkaan farqiga u dhaxeeyo SV iyo Ap, oo dad badan ay u maleeyaan inay isku hal xisbi yihiin.